Welcome to ED (Somali)

Kusoo dhawoow ED

Wanju wanju, nidja

Waxaan u mahadcelineynaa dadka reer Whadjuk ee qaranka Noongar, mas'uuliyiinta soo jireenka ah ee dhulka aan ka shaqeyno, waxaana ixtiraameynaa cuqaashii hore iyo kuwa hadda joogaba.

Perth Children’s Hospital waxaa sidoo kale loo yaqaanaa PCH. Waaxda xaaladaha degdega ah waxaa sidoo kale loo yaqaanaa ED.

Waxaan halkaan u joognaa inaan ka caawino ilmahaaga inuu helo daryeelka uu u baahan yahay.

Waxaan daryeelnaa carruurta da'doodu tahay 15 ama wixii ka yar ee qaba xaaladaha degdeg ah ee caafimaadka ama dhimirka. Waxaa si lacag la'aan ah ku hela muwaadiniinta ama dadka degan Australia.

Tan waxa lagu kordhin karaa da'da 18, haddii ay hore u qabeen xaalad caafimaad oo ay weli daryeel ka helayaan PCH oo ayna u imaanayaan ED xaalad la mid ah.

Request an interpreter (Somali language)

Codso turjubaan haddii aadan fahmin ama si uu kaaga caawiyo inaad nala hadasho. Adeeggu waa lacag la'aan.

Waqtiyada sugitaanka

Waxa ay noqon kartaa mid mashquul badan Waaxda Xaalada degdega iyadoo ay jiraan carruur badan oo xanuunsan oo sugaya in la arko. Carruurta ugu daran dhanka xanuunka ayaa marka hore la arkaa. Sida layskugu xigo iyo waqtiyada sugitaanka waa isku mid haddii aad ku timaad ambalaas. Waxaad ka eegi kartaa wakhtiga sugitaanka ugu badan ee hadda jira shaashadaha ku dhagan qolalka sugitaanka.

Fadlan noo sheeg haddii aad qorsheyneyso inaad baxdo ka hor intaanan daweyn ilmahaaga.

Maxaa ka dhaca gudaha Waaxda Xaalada Degdega

What happens in ED - Triage

Kala soocida

Kala soociddu waxay ka caawisaa shaqaalaha inay go'aan ka gaaraan sida ugu dhakhsaha badan ee ilmahaagu ugu baahan yahay inuu u arko dhakhtar. Way eegi doonaan ilmahaaga waxayna ku weydiin doonaan su'aalo.

Entering the ED

Gelida Waaxda Xaalada Degdega

Adiga iyo cunugaaga waxaad markaas geli doontaan gudaha Waaxda Xaalada degdega waxaadna tageysaan qolka shaqada ama sugitaanka. Karraaniga ayaa ku weydiin doona su'aalo. Waxaa laga yaabaa in ay dhacdo sugis ka hor inta uusan dhakhtar arkin. Fadlan nala soo socodsii haddii aad ka welwelsan tahay in ilmahaagu kasii daraayo.

Inta aad sugayso, haddii aad awooddo, ka fikir jawaabahaaga su'aalahan soo socda.

 

Waa maxay sababta uu ilmahaagu maanta isbitaalka u yimid?

  • Muddo intee le'eg ayay tani socotay? Maxaad u malaynaysaa inay sababtay? Miyay horey u qabeen tan?
  • Miyay xanuun dareemayaan?
  • Miyay wax cunayeen/cabayeen/aadayeen musqusha?
  • Miyaad kala hadashay dhakhtar kale dhibaatadan?
  • Ma qof kale ayaa kuu sheegay inaad imaato ED?
  • Ma jiraan baaritaanno ama raajooyin la sameeyay ka hor intaadan imaanin ED?

Waa maxay taariikhda caafimaad ee ilmahaaga?

  • Hadda miyay daryeel ka helayaan xirfadle caafimaad? (Tan waxa kale oo ka mid ah caafimaadka dhimirka)
  • Waa maxay xaaladaha ama jirrooyinka kale ee ay hadda qabaan? (Marka laga hadlayo Ilmaha, shaqaaluhu waxa laga yaabaa inay wax kaa weydiiyaan dhalashada)
  • Waa maxay xaaladaha, jirrooyinka ama qalliinka ay horey u qabeen?
  • Tallaaladoodu ma yihiin kuwii ugu danbeeyay?
  • Ma jiraan xaalado ama jirro taariikhda qoyska kujirto oo aad jeclaan lahayd inaad nala wadaagto?

Daawooyinkee ayuu ilmahaagu qaadanayaa?

  • Daawooyinkee ayay qaateen dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay (ay ku jiraan antibiyootiga)?
  • Waa maxay magaca daawadu, cadadka/qiyaasta iyo inta jeer ee ay iyada qaadanayaan?
  • Waa maxay kaabista, fiitamiinada, ama daawa dhireed uu ilmahaagu qaatay maanta, ama si joogto ah u qaato?
  • Dhawaan miyay joojiyeen daawooyin?

Waa maxay xasaasiyadda uu ilmahaagu qabo?

  • Tan waxaa ka mid ah falcelinta ka dhalata cuntada, daawada, qaniinyada shinida, iyo alaabta sida latex ama mara ku xirida boogta (kuwaas waa la xaqiijin karaa ama waa la tuhmi karaa).

Ma jiraan wax kale oo aad u malaynayso inay tahay inaan ogaano?

  • Ilmahaagu ma la kulmay wax jah-wareer ah oo la xidhiidha daryeelkooda caafimaad ama daaweyntooda?
  • Adiga ama ilmahaagu ma qabaa baahi dhaqan, bulsho, luqad, qoys ama hab-dhaqan?
  • Goorma ayay ahayd markii ugu dambaysay ee ilmahaagu uu wax cuno ama cabbo?

What happens in ED - Seen by the nurse or doctor

Marka aad la kulmeyso kalkaalisada ama dhakhtarka

Waxay ku weydiin doonaan su'aalo waxayna eegi doonaan ilmahaaga si ay gacan uga geysato fahmka waxa khaldan.

Waxaad codsan kartaa inaad kula hadasho dhakhtarka meel ka fog ilmahaaga.

Dhalinyarada qaangaartay waxay codsan karaan inay kula hadlaan dhakhtarka/kalkaaliyaha meel ka fog waalidkood.

What happens in ED - Talk with your nurse or doctor

Kala hadal kalkaalisadaada ama dhakhtarkaaga

Dhakhtarka ama kalkaalisada ayaa kuu sharxi doona waxa khaldan iyo waxa ilmahaagu u baahan yahay.

Weydii su'aalo wakhti kasta.

What happens in ED - Tests and treatment

Baaritaanada iyo daawaynta

Waxaa laga yaabaa in ilmahaagu u baahdo baaritaan dhiig, raajo, ama baaritaanno kale si loo ogaado waxa qaldan. Waxa kale oo laga yaabaa inay helaan daaweyn inta ay ku sugan yihiin ED. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad sugto natiijada baaritaanka ama aad aragto sida ilmahaagu uga falcelinayo daawaynta. 

What happens in ED - Wait to leave or stay for more treatment

Ku noqoshada guriga ama isbitaal dhigida

Iyada oo ku xidhan xaaladda ilmahaaga, waxaad awoodi doontaa inaad guriga aado, wakhti dheer joogtid si dhakhtarkaagu ugu kuur galo ilmahaaga, ama lagu dhigo isbitaal.

Aadida guriga

Marka ilmahaagu diyaar u yahay inuu guriga aado, dhakhtarka ama kalkaalisada ayaa ku siin doona xoogaa macluumaad ah oo ku saabsan waxaad u baahan tahay inaad samayso si aad u daryeesho ilmahaaga, kaas oo ay ku jiraan xaashi ay ku qoran tahay xog ku saabsan xaalada ilmahaaga iyo warqad loo geynayo dhakhtarkaaga deegaanka. Haddii adiga ama ilmahaagu u baahan yahay shahaado caafimaad, fadlan u sheeg dhakhtarkaaga ama kalkaalisada ka hor intaadan bixin.  Na weydii wixii su'aalo ah ee aad qabtid. 

Markaad guriga joogto, fadlan raac tilmaanta uu dhakhtarku ku siiyo. Haddii aad ka welwelsan tahay in ilmahaagu aanu ka soo raynaynin, waxaad awood u yeelan kartaa:

Haddii la dhigo isbitaalka

Waxa laga yaabaa in ilmahaaga la dhigo isbitaal si loogu sameeyo baadhitaano dheeraad ah iyo/ama daawaynta iyadoo ay la soconayaan kooxda Xaalada degdega ama dhakhtarka takhasuslaha ah. Hadafkeenu waa inaan ku siino daryeel gurigaaga u dhow, marka waxaa laga yaabaa inaan u wareejino ilmahaaga qaybta carruurta ee isbitaalka deegaankaaga si loogu daweeyo ama aad u heshid booqashada kalkaaliyayaasha Hospital in the Home (HiTH) si ay kuu siiyaan daryeel una eegaan ilmahaaga.

Haddii aad u baahan tahay inaad joogtid Perth Children’s Hospital waxaa laga yaabaa in laguu wareejiyo qaybteena Emergency Short Stay Unit (ESSU) ama qaybta jiifka ee isbitaalka.

Haddii ilmahaaga loo gudbiyo ESSU, waxay kujiri doonaan daryeelka kooxda Xaalada degdega. Haddii ilmahaagu u baahan yahay daaweyn ama qalliin dheeraad ah, waxaa loo gudbin doonaa qaybta jiifka ee isbitaalka.

La kulan kooxdaada daryeelka caafimaadka

Waxaa jira dad badan oo kaa caawinaya daryeelka ilmahaaga.

Meet your treating team (Somali language)

Aboriginal Flag

Waxaan leenahay shaqaale caafimaad oo Aboriginal ah oo la heli karo maalmaha shaqada inta badan kaasoo gacan ka geysan doona bixinta daryeelka gudaha ED. Fadlan codso haddii aad jeclaan lahayd inaad iyaga aragto.

Haddii aad u malaynayso in ilmahaagu xanuun dareemayo

Fadlan la hadal kalkaaliso qiimeyn doonta ilmahaaga oo qabanqaabin doonta xanuun baabiiyaha ku habboon.

Miyaad ka welwelsan tahay in ilmahaagu ka sii darayo? Waxaan u baahanahay inaan ogaano

Haddii ilmahaagu u muuqdo inuu kasii daraayo ama u dhaqmayo si aan caadi ahayn, isla markiiba noo soo sheeg. Ilmahaaga si fiican ayaad u taqaanaa. Waanu ku dhagaysan doonaa

Aishwarya's CARE Call logo

Aishwarya's CARE Call (Somali language)

Haddii aadan luuqada Ingiriisiga si fiican u aqoon dheh 'Emergency Waiting Room (Qolka Sugitaan Xaalada Degdega)' ama lambarka qolkaaga.

Aaway...

Musqulaha

  • Musqul la isticmaali karo ayaa ku taala gudaha ED, dhanka bidix ee albaabka laga soo galo
  • Dhanka dambe ee ED, oo ku xiga qolka sugitaanka ee Pod C,  baarka Cabitaanka gadaashiisa

Fadlan raac calaamadda ama weydii xubin ka tirsan shaqaalaha haddii aadan hubin.

Qolka barbaarinta

  • Miiska dhar beddelka ilmaha ayaa ku yaal gudaha ED, oo ku xiga musqusha la isticmaali karo, daaha buluugga ah gadaashiisa
  • Miis dhar beddelka ilmaha ee labaad ayaa ku yaal mid ka mid ah musqulaha u dhow Pod C

Tuubooyinka biyaha laga cabo

Biyo ayaa laga heli karaa Goobta Cabbitaannada ee u dhow aagga sugitaanka ee Pod C.

Cunto iyo cabitaan

  • Tas-hiilaadyo laga helo shaaha iyo kafee lacag la’aan  ah ayaa ku yaalaan Goobta Cabitaanka ee gudaha ED meel u dhow goobta sugitaanka ee Pod C
  • Mashiinnada dadka iibiya cuntada fudud iyo cabitaanada waxay ku yaalliin bannaanka ED meel u dhow wiishashka Cagaaran
  • Little Lion Cafe waxay u dhowdahay albaabka weyn ee Dabaqa Hoose
  • The Food Hall wuxuu ku yaalaa Level 1, lagana isticmaali karo iyada wiishashka Binkiga ah ama jaranjarada ku taala banaanka Little Lion Cafe ee Dabaqa Hoose
  • Dukaan yar oo habboon, Xpress Zone, wuxuu ku yaal dabaqa Dhulka ee QEII multideck carpark wuxuuna furan yahay Isniinta ilaa Sabtida, 7am ilaa 8pm. 

Taleefannada lacagta lagu shubto ee dadweynaha

Waxaa laga heli karaa  bannaanka ED ee marinka isku xira ED iyo isbitaalka.

ATM

Waxaa laga heli karaa bannaanka ED ee marinka isku xira ED iyo isbitaalka.

Badqabka iyo amniga

Badqabkaaga iyo amnigaaga ayaa muhiimad weyn noo leh. Haddii aad aragto habdhaqan kasta oo aad ka walaacsan tahay, ama aad dareemayso inay saamayn kugu yeelan karto adiga ama badqabka ilmahaaga, fadlan la xidhiidh xubin shaqaalaha ka tirsan ama PCH Security lambarka 6456 3003 isla markaaba

Looma dulqaadan karo xadgudubka

Si loo xaqiijiyo badqabka qof walba, waxaa noo degsan shuruuc aan u dulqaadanaynin xadgudubka iyo dabeecadaha dagaalka keena. 

Qof kasta oo jidh iyo af ku aflagaadeeya ama leh dabeecadaha dagaalka badan waxa laga codsan doonaa in uu si degdeg ah uga baxo goobta, haddii loo baahdo waardiye ayaa la dalban doonaa. 

Qaadista sawiro ama filin duubida

Qarsoodinimada iyo asturnaanta  bukaanadeena, qoysaskeena, daryeelayaasheena iyo shaqaalaheena, fadlan ha qaadin sawiro ama filin duubis inta aad PCH joogto.

Bogaadin iyo cabashooyin

Ra’yigaaga, mid fiican iyo mid xunba, waxay naga caawinaysaa inaan adiga iyo ilmahaaga ku siino adeeg ka wanaagsan.

Kadib booqashadaada ED, waxaa laguu soo diri doonaa qoraal si laguu weydiiyo ra'yi-celintaada iyada oo loo marayo ra'yi uruurinta MyVisit. Fadlan buuxi ra'yi-ururintan kooban si aad noogu sheegto khibradaada. Waxaad sidoo kale noo dhaafi kartaa 
bogaadin ama cabasho adoo adeegsanaya websaydkeena.


Download this information

Kusoo dhawoow ED